Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Indhaha oo ibararan oo hadana guduudan?

(1/3) > >>

Ashom:
Asc.Dr . aad ayaa umahadsan Tihiin.
Hort waxaan qabaa elerji ama xasaasiyad
Waxeeyna igu kacdaa markii sanboor I qabto ama aan wax busleh jafo.
 Laakiin intaas waxaa ii dheer  indhaha oo ibararan markasto  ilaa markaan yaraay oo Hadana guduudan Qeeyb Ka mid ah isha . isha markeey caadi tahay oo aan qofka kasoo horjeedo waxoo u arkaa isheeyda in ee  guduud tahay .laakiin markaan kala qaado isha oo gacantaa u adeegsado .dhinac  yada waa Ka cadaan. lkn inta muuqato waa Ka guduud. Hoostana waa Ka bararan yihiin indhaha (eyes bags).sawiradana waa haayaa ee  halkaan waa Soo gelin waayay Mobile na  waa uga  jiraaa oo waxaa isdhahay amoo computer rabaa. Thank you

SomaliDoc:
Ashom, indhaha oo gaduuta waa calaamad xasaasiyad waxay la socon karaan sanboorka, cuncunka jirka ama neefta intaba.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xasaasiyadda indhaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1121.0.html
Waxaa kaloo akhrisan kartaa qoraalkaan ku saabsan xasaasiyadda iyo xajiinta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html

Ashom:
Dr. Markeey igu kacsaneeyn xaasiyada  waa bararan yihiin indhaha hoostooda. Xili walbo .wax aad baruur  u eg ayaa kujiro oo la qaban karo .lkn cuncun malahan. Waa iska bararan yihiin waana guduudan yihiiin . qof walbo waxeey idhahee indhaha maxaa kaaga dhacay Ana caadi ayeey ila yihiin . in aan muraayad ku fiirsho mahan

SomaliDoc:
Allerjiga iyo xasaasiyadda indhaha ku soo laalaabto way keentaa in indhaha hoostooda ay bararaan sidii in hilib dheeraad ah ka soo baxay oo kale, xasaasiyada markii ay heerkaas gaaro waxaa loo yaqaanaa "angiodema" qasab ma ahan in aad xasaasiyad dareemayso marka indhaha ay bararan yihiin.
Waxa kale oo barariyo indhaha hareerahooda ama hoosta waa haddii cilald dhinaca kilyaha aad qabtid oo qashin saarka uu tacbaan yahay, fadlan dhaktar u tag si loo ogaado in xasaasiyadda kaliya ay tahay iyo in cillad kale ay jirto.

Ashom:
Aad iyo aad ayaa u mahadsantahay somalidoc.
 Dictor barar Ka iga haayo indhaha mahan angiodema oo nuucaas oo kale uma bararna . lkn waxeey u bararan yihiin qaab Ka eyes bags.  ' bags under eyes ' Google markii laga fiirsho images(sawirada) waa isku mid   barar Ka iiga yaali iyo barar Ka eyes bags. teeda kale Dr. Mala daweeyn karaa eyes bags Ka . calaashaan eyes bags waa in aad barar ku leedahay indhaha hoostooda sidii qof waayeel ah (duq ah) oo kale.
  Janada Fardowso ilaah ha idin geeyo .

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version