Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Indhaha oo ibararan oo hadana guduudan?

<< < (2/3) > >>

SomaliDoc:
Ashom, haddii aad sawirka indhahaaga noogu soo diri karto facebook page-keena, message ahaan, waan kaaga soo jawaabayaa su'aashaan si aan u kala ogaado labada cilladdood mida ay tahay, maxaa yeelay labadaba waa indhabararka nooc ka mid ah, labadabane xiriir way la leeyihiin xasaasiyadda iyo allerjiga.
Fadlan dad'daada soo raacsii sawirka, bags under eyes kuma badno dhalinyarada .

Ashom:
Thank you somalidoc
Waa soodiray sawiradii Facebook page Ka ayaa ku soo diray masaj ahaan . ;D
 

SomaliDoc:

Sawirrada aad ii soo dirtay waan arkay, waana sida aad tilmaantay waa Bags under eyes ama waxa loo yaqaano "Puffy eyes".
Bararka wuxuu ka dhashaa in murqaha indhaha ku hareeraysan ay dabcaan markuu qofka duqoobo kadibna ay soo laalaadsamaan sidaasne bararka u muuqdo, laakiin markuu qofka da' yaryahay waxay ku timaadaa labo sabab oo kala ah in xeyr ay fadhiisato iyo in dheecaan ama qoyaan uu galo khaas ahaan haddii marinnada tubooyinka sanka iyo isha ka dhaxeeyo haddii ay xirmaan waxayna u badan tahay dadka sanboorka iyo caburka joogtada ah ka sheegto ama in sanqaroorka uu caabuq ku dhaco oo loo yaqaano "Sinusitis", halkaan ka akhriso waxa sinusitis uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html

Badanaa xanuun iyo dhibaato kale ma keento bararkaan laakiin qurux ahaan ayay dadka uga sheegtaan.
Dadka badanaa wax qabow ayay saarsaaraan bararka si uu u qarsoomo, laakiin waxaa dhici karto inuu soo laalaabto ama qaboojinta in wax badan ay ka tari wayso, sidaas awgeed qalliin qurxis ah ayaa lagu sameeyaa.

Laakiin waa muhiim in la ogaado waxa keenay bararka, haddii ay tahay cillad lagu xallin karo daawayn iyo farsamo kale oo aan qalliin ahayn.
Waxa keeni karo waxaa ka mid ah in qofku hurdada ay ku yartahay, xasaasiyada iyo caburka, iyo dhaxal in ay tahay oo qoysaska qaar way kala dhaxli karaan.

Haddii cabur ay tahay maadaama aad xasaasiyad ka sheegatay waxaa la sameeyaa:
biyo qandac ah ayaa cusbo lagu qasaa kadib sanka ayaa lagu jiidaa sida weesada oo kale markaa sanka biyaha gaarsiinayso, hal dul oo sanka ah ayaa sidaas la yeelaa kadib dulka kale inay ka soo baxaan ayaa la rabaa si hadduu caburka marinada u xeray inuu u furo, bararkane wuu yaraadaa, marmarka qaarne wuu baaba'aa markii aad dhowr jeer sidaa yeesho.

Waxaa kaloo la sameeyaa geedka qajaarka la dhaho oo la wareeg ahaan loo ajaray ayaa indhaha la saaraa, maadaama uu qabow yahay, waxaa la arkay in bararka uu yareeyo khaasatan dadka daalka ay indhaha barariyaan iyo dadka xasaasiyadda qabo, waa arrin dad badan isku waafaqsan yihiin inuu wax tar leeyahay, sawirka kore ka eeg qaabka indhaha loo saarto.

Laakiin haddii dhaxal ay tahay, xalku waa qalliin kaliya.

Haddii aad jeclaan lahayd in aad warbixin intaa dheer ka ogaatid ama baaritaan aad martid la xiriri takhtar E.N.T ah.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.

Ashom:
aad iyo aad ayaa u mahadsantahay somalidoc .

Ashom:
WaxaN rabaa in aan tijaabsho biya qandacan ama diiran . ee cabur Ka  ma midka neefta celshaa amase waa mid aana la dareemin xiliga neefsiga.

Cabur ima qabto markaan hergeb sanahay ama elerji ihaayo maahane lkn 80% waxaan u neefsadaa si caadi ah oo aan wax dhibaato laheeyn sanka iyo afkaba .

Cabur Ka ama xirnaashaha duleeladaas sanka . ma la dareemayaa xirnaasha hooda xiliga neefsa shada .

Mida kale qaliin halis maku noqon kartaa indhaha . calaashaan risk miyaa mase 90% waa lagu guuleeystaa?

Thank you

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

[*] Previous page

Go to full version