Author Topic: Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?  (Read 78152 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline AarDacar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Dr. waxaad iga jaahil tirtaa hadii uu jiro cunto hadii aan isticmaalo sida viagraha awood jidhkayga iisiinaysa madaamoo kiniinigani dhib badan yahay.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
CUNNADA RAGGA U ROON / DAAWO DABIICI AH
« Reply #1 on: August 11, 2015, 01:22:51 PM »


Waxaa muhiim ah in aad ogaato howlgabka kacsiga in ay qof walba oo rag ah noloshiisa mar uun soo marto, waxaa kaloo muhiim ah in aad ogaato in ay arintaan ku meel gaar u soo marto ragga iyadoo ku xiran xaalada nafsiyadeed ay ku jiraan, waxaa lagu qiyaasaa dhibka ugu weyn ee keena arintaan in ay tahay diiqada ama welwelka ama is fahan la'aanta ama isku xumaanashaha lamaanaha kala dhex maro.

Arintaan oo aad ka sii welweshid waxay adkayn kartaa xalka iyo in aad arinta u aragto wax wayn, taasina way sii daahin kartaa in aad noloshaada caadiga ku soo laabatid.

Markasta in daawo lagu dagdago sax ma ahan, warbixin dheeraad ah oo ku saabsan arintaan iyo waxyaabaha kale eee keeni kara howlgabka kacsiga halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html

Haddii aan su'aashaada u soo gudbo ee ku saabsan haddii ay jiraan cunnooyin ama waxyaabo dabiici ah oo gali kara badalka daawada Viagra-ha oo aad sheegtay in ay dhibaatooyin badan keento oo aad halkaan ka akhrisan karto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3443.0.html

Maadaama ay arintaan rag badan ka sheegtaan waxaa jiro shirkado badan oo ku hawlan si ay dadkaas uga xayuubsan lahaayeen qarash iyagoo been abuur iyo daawooyin aan jirin ka gada, waxay shirkadaha qaar ay sameeyaan in ay gadaan geedo daaweedyo ama waxyaabo dabiici ay ku sheegaan sida malabka oo viagra-ha badalkisia la qaadan karo, markii la baarayna, waxaa dib laga ogaaday in ay daawada Viagra-da ku soo daraan, waxaadna halkaan ak akhrisan kartaa malab sidaas oo kale loo soo habeeyay oo aan hada ka hor ka dignay loona suuq keenay wadamada geeska africa, aadna ay dhalinyaradeena ugu daateen laakiin dhibaatooyin badan ay kala kulmeen: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5503.0.html

Sidaas awgeed waa in uu qofka taxadar muujiyo mar waliba inuu wax warshad soo maray uusan ku dagdagin haddii lagu dhaho dabiic waaye.

Dadku waxay sheegaan cunnooyin badan oo kala duwan in ay u roontahay xaga raganimada, waxyaabaha soomaalidu ay isla dhex marto waxaa ka mid ah: hilibka ama subaga qubada, basasha, kalluunka, malabka iyo waxyaabo kale oo badan laakiin maxaa arintaas ka jiro?

Waxaan rabaa in aan halkaan idinkugu soo gudbiyo waxyaabaha dabiiciga ah ee cilmibaaris lagu sameeyay oo la sheegay in ay waxtar leeyihin waxaana ka mid ah:

1- Arginine: maadadaan waxay muhiim u tahay xaga raganimada waxaana laga helaa cunnooyinka qaar, waxayna jirka ku kordhisaa maado kale oo loo yaqaan "nitric oxide", tan oo ballaariso xididada arooriyaasha ee xubinta ragga si qulqulka ugu bato sidaasne ay awood ku yeelato.
Waxaa jira dhowr cilmibaaris oo lagu sameeyay maadadaan, kulligoodne isku waafaqeen in isbedel la taaban karo laga dareemay.
Cuntooyinka maadadaan aad ugu jirto waxaa ka mid ah: hilibka libaax badeedka, kaluunka tuuanda, yuumbiga, qubada, aargosoatada, sisinta, lowska, waambaha, cabitaanka chocolate-ka kulul oo aan sokorta lagu darin iyo qudaarta Avocado-ha.

2- Dehydroepiandrosterone: Tan waa maadada jirka uu ka sameeyo hormoonka ragga ee "Testosterone" oo aad muhiim ugu ah xaga raganimada, iyadoo daawo ahaan oo la qaato ayay jirtaa laakiin waa in dhakhtar kuu qoro oo qofkasta lama siin karo, cunnooyinka kobciyo hormoonkaan waxaa ka mid ah Qumbaha, buunshaha qamadiga iyo xayawaan badeed loo yaqaano "shrimp", afsoomaalina lagu dhaho "Haley".

3- Ginseng: waa geed daaweed laga helo dhulkan Asia khaas ahaan wadamada Korea, waxay cilmibaarayaasha ay sheegeen in uu sida maadada kor aan ku soo xusay ee Arginine u shaqeeyo, ragane aad wax ugu taro.
Waxa muhiim ah haddii aad isticmaalayso daawadaan in aad dhakhtarkaaga kala tashato maxaa yeelay wuxuu hoos u dhigaa tayada daawooyinka qofka uu qaadanayo.

4- Pomegranate juice: waa casiirka ama biyaha laga miiro miraha Rumaanka, casiirkaan waxaa lagu yaqaanaa inuu caafimaadka wadnaha u roon yahay, cadaadiska dhiigane uu yareeyo, cilmibaaris la daabacay sanadka 2007, waxaa lagu ogaaday in uu leeyahay faaido xaga raganimada ah, waana casiirka ragga da'da ah u roon dhinacyo badan markii la fiiriyo.

5- Yohimbe: waa geed ka baxo wadamada galbeedka Africa, waana geed aad loo isticmaali jiray inta aan Viagra-ha suuqa qabsanin, waxaa laga sameeyaa kaniinin loo yaqaano "Yohimbine" oo sida Viagraha loo isticmaalo, shirkadaha sameeyo daawooyinka kiimikada ah sida "Viagraha" ayaa dagaal aad culus ku qaaday geedkaan oo joojiyay in daawo laga dhigo maadaama la daabacay qoraallo badan oo tilmaamayo in uu keeno dhibaatooyin xaga caafimaadka ah, laakiin dadka ku nool wadamada galbeedka Africa aad ayay u isticmaalaan, laakiin caalamka kale aad loo gama yaqaano.

6- Epimedium: waa geed cows oo kale ah oo ka baxo dalka China, baaritaan ka dib waxaa la ogaaday inuu leeyahay maado la dhaho "icariin" oo u shaqeysa sidii "Viagra-ha" oo kale, dalka shiinaha aad ayaa looga isticmaalaa, waxayna dhakhaatiirta shiinaha sheegaan inuu Viagra-ha uusan ka yaraysan, waxyeelo "side effects"ne in uusan lahayn.

TALO GUUD:
Qof walba waa inuu ku dadaalo waxyaabahaan soo socda si uu u helo caafimaad jinsi ah:
  • Ku dadaal in aad cunto cunno caafimaad leh oo aan la soo warshadayn
  • Jooji isticmaalka sigaarka, jaadka iyo khamriga
  • Sameey jimicsi joogto ah
  • Welwelka iyo diiqada iska yareey
  • Ku dadaal in aad hesho hurdo  kugu filan
intaasba waa inta ugu muhiimsan oo qof waliba uu samayn karo si uu uga fogaado dhibkaan.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa in haddii la helo lamaane is jecel oo is fahansan oo wixii cillad jira wada wadaago oon waxba kala qarsan in ay tahay aasaaska guusha sariirta, sababta aan saan u leeyahay waxay tahay, dhibka ugu badan ee qoysaska soomaaliyeed aysan ogeyn ayaa ah in arintaan ay u baahan tahay wadaagis iyo isla wadis oo xalka uusan ahayn kaliya in hal qof xal keeni karo, haddii labada dhinacba xal loo helin, waxba hagaagi maayaan.
halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cilladaha dhinaca haweenta ka imaan karo iyo sida aad ula tacaali karto intaba: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3818.0.html

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid waad na soo gudbin kartaan.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Almis

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
asc dhamaan bahda somali medical forums.
dicotr wxd ku suuxtay ine jiirane  ine jirane natural viagra oo ade ku xustay dhwr oo axyaabaha dabiiciga ah ee cilmibaaris lagu sameeyay oo la sheegay in ay waxtar leeyihin ikn su aale
ine kasto  Ginseng , Yohimbe iyo  Epimedium aya ihine geed ka baxane dhul ka foog halka ane ku suganaye oo ah galbeedka africa iyo south chine ma jirane cuuno uu dhigma saddexda  geed oo samayna hawsha aye qabane lahyne ama laga helayo wuxi saddexda geed ee kore ku suuxane laga heleyay iyaguna laftoda Arginine iyo Dehydroepiandrosterone ma jirane cuuno laga heleyo waliba cuunada somalida aya inta badane isticmalane sii uu helo wax taar oo ah naural viagra uu noqone karaya uu noqonaya wax taar  xaga raganimada.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Almis, inta aan kuu sheegay waa wixii cilmibaaris lagu sameeyay way dhici kartaa in dhulkeena ay ka jiraan geedahaas laftirkodoa ama kuwa u dhigma laakiin cilmibaarayaal geedaha ku taqasusay oo dhirteena baaritaan ugu dhaqaaqay oo wax ka qoray ma haayno, xitaa inta hada la baaray wadamada laga soo sheegay waa wadamada ku horeeya ku daaweynta dhirta.

Sidaas awgeed waxaa ka faa'idaysan kartaa cunnooyinka iyo cabitaannada aan kor ku xusay oo iyagane waxtar leh.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15769
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21060
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15509
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48057
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: laab-jeex badan iyo carabka dhanaan i noqdo markii wax macaan cabo?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 22746
Last post October 16, 2011, 12:04:08 AM
by SomaliDoc