Author Topic: Su'aal: Canug raba naaska kaliya hadane uusan ku filnayn?  (Read 3620 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Balqiisahaaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Su'aal: Canug raba naaska kaliya hadane uusan ku filnayn?
« on: December 12, 2015, 08:21:02 PM »
asc dr sharafta lahow dhamasn inta wax ku qorta waad mahad santihiiin sida aad dadka ugu faidaysan  waxaan jeclan lahaa in aan so gudbiyo suaal lahayga 1 waxaa ii joogta gabar jirta 2bo bilood iyo bar tan iyo markay dhalaty way shubantaa dhib ma ukeena koritaan keeda  2naas bis bay nuugtaa dr mana caano badni marka  sidaan is leeyahay kuma filna caanihii kalana  waa diiday maxaan ugu badali karaa caanaha 3 maalmahan danbe waan ku arkaa madaxo kulul naaska markan siiyo waa qabooba wax yar kadib waa kululan maxaa sababa dr gabadha waa 4kiilo insha allah waxan rajaynaa in suaalaha aad fahmi doontan iigana so jawabi doontan waana ku mahad santihiiin fursada aad na siisaan mar walba




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Canug raba naaska kaliya hadane uusan ku filnayn?
« Reply #1 on: December 12, 2015, 08:44:47 PM »
Waa muhiim in la ogaado marka hore waxa shubanka joogtada keenay.
Waxaa dhici karto in caanaha aad siisid ay ku qabto allerji sidaas daraateedne ay u diidayso caanaha una shubmayso.
Midda kale waxaa dhici karto in xanuun jiro sida infekshan oo kale maadaama aad tilmaantay inay kulushahay oo naaska ay ku qabowdo.
Sidaas awgeed waa muhiim in aad u fiirsatid in cunuga uu shubmo maalintii aad siisid caanaha iyo in aysan xiriir la lahayn.
Haddii aad dareensan tahay in caanaha ay dhibsanayso waa in loogu badalaa caano laga saaray maadada lactose-ka oo ilmaha allerji ku noqdaan.
Haddii aysan xiriir la lahayn arrintaas waa in aad dhakhtar caruur la xiriirtaa si loo baaro ilmaha oo la ogaado waxa jira.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa adiga iyo caruurtaada.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Balqiisahaaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Canug raba naaska kaliya hadane uusan ku filnayn?
« Reply #2 on: December 12, 2015, 09:43:02 PM »
markan caanaha siiyo iyo markan siin waa isku mid caanaha oo way shumee oo shuban bdn maaha oo fuuq bax ah xitaa biyo marabto dr wax kale oon naaska ugu badin karo majiran madaam uu san ku filnayn  mida kale 2bo bil iyo bar canug jira 4kiilo normal miyaa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Canug raba naaska kaliya hadane uusan ku filnayn?
« Reply #3 on: December 18, 2015, 07:32:36 PM »
Taasi waxay iila egtahay arrin dabiici, miisaankeeuna waa ok, waxaa la filayaa in bishiiba 1 kiilo ku darsanto cunuga illaa lex bilood laga gaarayo, intaa ka dib waxaa la rabaa nus kiilo illaa hal sano laga gaarayo.
Waxyaabaha aad ku badin karto caanaha horay ayaan uga hadalnay ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5931.0.html
Waxaad kaloo akhrisataa qoraal kale oo muhiim ah oo ka hadlayo sida saxda ah ee la rabo in nuunahaaga aad u nuujisid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,409.0.html
Waxaa kaloo akhrisan kartaa waxyaabaha keeni karo in caanaha hooyadu ku yaraadaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5596.0.html

Haddii aad su'aal kale qabtid noo soo gudbi.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Daawo Filin: Baraarujinta Kaankarada Naaska (Breast Cancer Awareness)

Started by AdminBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 2
Views: 41415
Last post May 28, 2015, 10:04:42 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun ayaan ka dareemaa feerta bidix naaska hoostiisa?

Started by LaabtaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 12191
Last post November 21, 2011, 09:41:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Caanaha naaska dhagaha ilmaha malagu shubi karaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12663
Last post February 06, 2016, 02:44:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Naaska bidix waxaa iiga soo baxay buruq?

Started by AshwaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4310
Last post April 17, 2013, 11:34:25 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun inta u dhaxaysa naaska bidix iyo dhuunta?

Started by JamiilaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12545
Last post February 18, 2015, 01:24:31 PM
by SomaliDoc