Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Dhinaca midigta xanuun?

(1/3) > >>

Raaliyo:
salamu calaykum;

walaayaal waxaan rabaa inaan wax ka ogaado dhinaca midigta oo dhan baa i xanuunta faraha lugaha ilaa madaxa waxaa dhacday 2005 ayaan suxulka midigta ku dhufsaday derbi  ka dib waxaan dareemay xidid electrik baa iga soo cararay suulka lugta midig ilaa madaxa uu i cararay maalintaas ka dib waxaan dareemaa xanuun saaid ah oo iga yimaada dhinaca midigta waxaa ka soo wareegay 3 sano hadii roob dao ama dhaxan noqoto waxaa i xanuuna oo i kaara suxulkii aan ka dhaawcmay waxaan dareemaa tabar daro iyo xanuun saaid ah waxaan dareemaa in xidid waxa iga gaaray ama i xirmay marka walaayaal raajito aa la isaaray lafta waa ok bay dhaheen dhaqatarada wadanka aan joogo waxay ii sheegeen in nerve dhawacmay  waan wareeray bal wixii talo isoo siiya walaayaal hadii xidika iga dhawacamay ma keena adhibkaan????

SomaliDoc:
Xanuunka aa dareemeyso wuxuu u egyahay xanuun neerfo dhaawac kaa gaaray maxaa yeelay dareenka korontada ah iyo qabowga oo ku dhibo waa calaamad lagu garto.
Maxay dhakhaatiirta kugula taliyeen si xanuunka kaaga yaraado?

Raaliyo:
salamu calaykum;

walaal waad ku mahadsan tahay jawabta aad isoo siisay walaal wax daawo ilaa hada la ima siin aan ahyn pain killer strong ah oo caloosha iga dhibay tan kale walaal xanuunka maalinba maalinta ka danbaysa waa iga sii darayaa waana ku dalaay wadankaan aan joogo dhaqtaradooda hada waxan bilaabay kaar meel kasta oo muruq ku jira baa i kaarta waxyana iis heegeen maalin dhaweyd  dhiig ay iga qadeen in vitamiin d eber yahay oo aan haysto 5 meeshii laga rabay 10 ilaa 20 markaa walal waan kuugu mahad celin lahaa hadada rayi i siiso wixii aan ku dhaqaaqi lahaa oo iga yaraan lahaa bel belka murqaha  ama xanuunka midigta oo dhan iga haysta waan ka dalay cocodomol strong

thankx walal

Abdulrazzak:
Raaliyo
 waad ku mahadsan tahay sida aad u soo gudbisay xanunka  .. runtii waan kula daremayaa xanuunka ku hayo maadama aad tahay Qof xanuunsan Ilaah caafimad Dag ag ha ku siiyo .amin. intaas waxa  kale oo ku dari lahaa  Xidida hadii ay dhaawac gaaro  waxay qaataan  mar mar  ka badan xubnaha jirka  kale  in ay ku soo noqdan sidoodi hore  .. Hada waxan filayaa soomaliya ayaad joogtaa 2 arimod  samee
1) Qaado  Cunto Vitmanis leh ( waa option ) waxay kaa caawinaysaa in ay  xidada helaan xoogaa Relieve iyo qaas ahan Quradaha  kale duwan .  noocyada qudrada oo dhan  isku dar kuwa is qaadan karo ka dib in mudo ah 3 weeks  ilaa
.. waxa laga yabaa in aad  Vitaminska ka hesho nooc ka maqan oo  xidida marka aya dhaawac gaaran  laftoda Deficiency ku dhaca ( yaraadan ama la  ga waayo xadiga logu talagalay.
2) Exercise  ama Physiotherapy aad  ku samayso xubinta dhaawaca soo gaaray  waliba Proper Exercise/Physiotherpy  xiligaasna  isticmal saliida ama Creamyada ( Massega ahaan ) loo mariyo  xiliga aad  ku guda jirto  Exercise xubinta  Physiotherpiga   aad ku samaynayso. ugu yaraan  3 weeks/asbuuc.
I hope u will get batter niyada khery u sheeg .

SomaliDoc:
Xanuunkaaga sida aan u malaynayo waa "Post-traumatic Neuralgia" Neerfo xanuun Jug ka dhashay.

Xanuunka badanaa wuxuu ka bilawdaa meesha jugta kaa gaartay inkastoo uu ku saaqi karo qeybaha jirka kale oo neerfahaas quudiyo.
Haddii xanuunka uu kaa gaaray suxulka waxay aheyd in gacanta aad xanuun koronto oo kale ah aad ka dareento maadaama neerfaha meeshaas maro uu yahay "Ulnar Nerve" uusanne shaqo ku laheyn xanuunka lugta aad ka dareemeyso. laakiin waxaa dhici karo in aad kuftay ama jug ay meelo kale gaartay.

Waxaa kaloo muhiim ah xanuunka aad dareemeyso noociisa tusaale ahaan:xanuun gubasho oo kale ah ama xanuun fiiqan iyo in ay la socdaan dareen hanbab, kabuubyo ama xatoxato.

Waxaa kaloo muhiim ah neerfahaas jugta gaartay inuu yahay mid dareen ama mid dhaqaaq, haddii neerfaha uu yahay mid ku shaqo leh dhaqaaqa waxaad dareemi laheed tabar darri murqaha ah.

Waxaa kaloo jira calaamado kale oo la socdo neerfayaasha jugta gaartay qaar sida: dhidid badan, midab badalan (buluug iyo gaduud) iyo heerkulka oo is badalo (qabow ama kuleel).

Marka si loo ogaado xanuunka aad dareemeyso neerfaha uu ka dhashay iyo noociisa iyo haddi si kalaba laguu hayo waxaa jiro dhawr baaritaan oo lagu hubsado oo ay ka mid yihiin:
1- EMG: waa baaritaan lagu fiiriyo in neerfaha jugta gaartay in uu shaqaynayo iyo in kale waxaa kaloo lagu ogaan karaa soo kabashada neerfaha jugta soo gaartay.
2- MRI/CT scan waa baaritaan raajo lagu fiiriyo xubnaha uu quudiyo neerfahaas wax is beddel nudeed haddii ay ka muuqdaan iyo in kale.

Daawada ugu horreysa sida uu sheegay walaalkay Abdirazak waa "Physiotherapy" oo ah jimicsi inkastoo ay dhib noqon karto maadaama xanuun uu jiro, si xanuunkaas uga hortagto waa in aad la tashato dhakhtar aqoon u leh xanuunkaaga kuuna qora xanuun baabi'iyaha kugu habboon.
Waxaa kaloo jira bamaato lagu magacaabo "capsaicin" oo la marsado 4 jeer maalintii meesha ku xanuuneyso inkastoo ay tahay in aad dhakhtar xaaldaada la socdo aad kala tashatid.
Waxaa kaloo jiro dhowr hab oo daaweyn ah oo qalliin uu ka mid noqon karo laakiin taas waxaa xadidi karo qof aqoon u leh cudurkaaga kulana joogo si xaaladaada ula socdo.
Hadii aad u baahantahay qoraal ku saabsan Murqo xanuunka halkaan ka akhriso
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html
Haddii aad qabto su'aalo kale halkaan ka weydii
SomaliDoc

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version