Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Dhinaca midigta xanuun?

<< < (2/3) > >>

Raaliyo:
salamu calaykum

abdirazaak iyo somali doctor aad baan idinku mahad celinayaa jawaabtiina runtiina abdirazaak aboowe horta aniga uk baan jooga tan kale dhaqtar kasta waan maray wali waa sideeydii somali doctor bro waxaa la i marsiiyey EMG AND NERVE STUDY waxay ii sheegeen in carpel tunnel iga hayo gacanta midigta  wax daawo ay isiiyeena ma jirto tan kale waxay i marsiiyeen buble study any way wax wax ii qabtay aaba iska yar waxaana ku sii socotaa 3 sano caafimadkaygana waa ka soo daraa mar walba tan kale murqaha waxaan ka dareemaa weak and pain hawada marka ay is badasho qaboow ay noqoto uma adkaysan karo kuleel marka ay tahayna ka sii daranba markaa meeshaan waa last hopekayga hada waxaan go'aan ku garaay inan xanuunkayga baro jirkayga lakiin ma aqaano inta  aan u adkaysan doono xanuunkaanwaxayna dhibato u gaysatay ilamahyga guriga shaqada iyo shaqada aan ka shaqeeyo subax walba cocodamol strong aan cuna markaa walaalyaal wixii talo isoo siiyaama daawo iga yaraysa xanuunka hadada taqanaan

many thankx

Abdulrazzak:
 waa sida u sheegay somalidoc  Post-traumatic Neuralgia dhaawaca garay ayaa dhibkas ka yimid suaal kale hadi aan ku waydiiyo   gacanta ku xanuunto  ama xubinta  ma ka yartahay mida kale Size ahaan ?
 daawooyinka  aad sheegtay kuma jiraan wax jimicsi ah oo aad ku samaysay Xubinta bukta... hadii  ay dhib kuugu tahay la tasho Doc hadi aad  samayn karto self - Physiotherpy oo aad  raacayso si tartiib ah ... runtii wax ayay kaa tari doontaa  xoogaa caafimad ah ........ Ilah  ha ku caafiyo .. Amin,Amin.

Mandeq:
waan ka xumahay xanuunka , ilaah caafimaad ha ku siiyo waan ku soo duceenena all, tan 2aad vitamin d haduu kugu yaryahay waxa laga yaabaa inuu xagaa kaaga yimid lafa xanuunka iyo murqa xanuunkuba, waxa cuni karta vitamin D tablets , kaniinigiisa, ama  calcium ,ama waxaad badsataa caanaha cabidooda iyo cheeeska , ama jubanada , waxan ilaah kaaga rajenaya caafimad buxa.

Raaliyo:
salamu calaykum abdirizaak and mandeeq

aad baan idinku mahad celinayaa sida fiican aad igala taliseen xanuunka i haaya hadaan u soo noqdo abdirazaak bro gacnta gacnta kale waa ka yar tahay size walina ma samayn jimcsi inshalaah waan adaayaa tan kale bro gacnta haduu roob da'o ama qaboow noqto hawada waxaan dareemayaa infalamtion meeshii i xanuunysay ilaa gacnta oo dhan ilaa an cuno cocdomol xanuunkaas waa i haynayaa mandeeq waan qataa vitamin d xoogaa karkii kale ee murqaha waa iga kala yaraday tan kale gym iyo sauna steamer aan adaa murqaha waan ka yara roonahay lakiin dhaqtarkayga baa igu yiri qorax baad u bahan tahay 26 aan yurub joogay vitamiinkii d waa eber 4 buu maryaaa.

Wadaniyada:
asc. raalya walaalo ilaah ha ku caafimaadsho insha'laah waan kuu soo ducanayanaya walaalo

somal doc iyo dhamaan dhakhaatiirta halkan wax ku soo qorta ee walaalahay ah marka hore waan idin salamayaa walaalo yaaal ana codsi ama suaal ayaan wadaa

walaalo hooyaday ayaa mudo ilaa 7 sano hada gaaraysa waxay ka liidataa gacn waa tan bidixna hada heer bayba gaadhay dhinac oo dhan uu wada xanuuno dhakhtarkasta wya tagtay dawo kasta waa loo qoray laakiin gacantu way xanuunaysaa mana jirto wax juga oo kaga dhacay walaahi habeen badhkii ayaad mar mar kicin mise way fadhidaa oo gacantay tuujin anigii qalbi jab  ayaa igu dhaca markaan arko hooyo oo fadhida dhakhtar hadii lageeyona wax ay u tarayaan male waxaad moodaa mar mar gacanta ilaa luqunta inta xigta gacanta inay bararayaan wax u sabaaba iyo wax xanuuna ay tahyna garan mayno

bal wlaaalo yaal sidaad u argtaan xanuun kan maxay se idin la tahay waxayna joogtaa walalao wadan dhakhaatiir le INDIA lakaiin alaa dawada keenee waxay u qabnayaan maan arko

dhamaan wixii xanuunsan waxaan alaah uga baryayaa in uu caafimaad buuxa siiyo aamiin aamiin aamiin

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

[*] Previous page

Go to full version