Author Topic: Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?  (Read 43977 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Asc. Salaan ka dib.
Dhakhtar, waxaan rabaa in aad inoo sharaxdid LAMAANAYAASHA ISKU HIDDE SIDAYAASHA AH IYO WAXA LA XIDHIIDHA. Lamaanayaashaan oo la sheego in ay yihiin kuwa ugu badan ee dhala ilmo cilad leh (baby with defect) kuwaas oo haddana la sheego in ay yihiin lamaanayaasha is guursada iyagoo ah ilma-habreed ama ilma-adeer.
Marka Dhakhtar, fadlan arrintaan & wixii la xidhiidha-ba inoo faah faahi. Waxaan filayaa in aysan dad badani warba u hayn waxa uu yahay lamaane isku hidde side ah. Thanks...


Talo SAARO Allaah


Offline Caqli

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
doc arintan dad badan ayaa xiisaynaya ee fadlan noo sharax

Offline Sharafka

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
salaamu caleeykum dhamaantiin. Cilmisabce maxa ka wadaa lamaane isku hido sidayaal ah? Hadii aan guursado ina adeertay ama ina abtiday ma waxaan isku dhaleynaa ilmo cilad leh walaal ma fahmin waxa aad su,aashaan ka wadid ee so fududey. Dhaqtarka fadlan jawaabta la soo dhaqso markasta jawaab in laga bixiyey ayaan u maleyaa waligey ma maqlin waxaan camal dad isku hidosido ah oo ilmo cilad leh dhalaayo aa jiro . Waayaab.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Sharafka salaan ka dib, Af Soomaaliga haddii lagu faahfaahiyo su'aashaan wey sii dheeraaneysaa, balse halyar aan ku toydee-- waligaa ma aragtay qof weershe ah (cross eyes) waligaase ma aragtay qof faruuran <faruur jeexan> (cleft lip) ama waligaa ma aragtay qof cago qal qaloocan leh ama qof goobe ah oo tuur leh, ama qof laba madaxle, ~qof isku dhafan, qof sacsacan, qof lamaane ah IWM ah?!
(FIIRO GAAR AH. Arrimaan oo dhan Waa Abuuris & Shuqul Ilaahay).
_
-> Marka Ciladda aan dhakhtarka weydiiyey kuwaas iyo kuwo kalaa ka mid ah. Marka In ay hidde sideyaasha iyo iska dhaxalka la xidhiidhaan'na waa ahmiyadda su'aashatan, dee marka waxaan doonayaa in aan ka wada faa'iideysano jawaabta dhakhtarku ka bixiyo, se waxaan aad u doonayaa in aan ogaado in ay ilma adeeradu ama ilma habreedyadu hadday is guursadaan {waanay dhacdaa} ay tahay arrinta keenta in ay cilada ilmaha timaado (baby with defects) iyo in kale. (it can also mean) Guurka isku dhow dhow iyo kan kala durugsan kee baa roon?
Ugu dambeyn Sharafkow bal is weydii haddii laba ilma adeeraa ay hidde sideyaashoodu lid isku yihiin? Sow Alerji kuma dhalana hayo?! Lol. Any way, let's wait Somalidoc and the best reply that he'll put here. Bye.
Thanks 4 ur posts....
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association


Waa maxay xaaladda hidda-socodku?
Xaaladda hidda-socod waa jirro ay keento isbeddel ku yimaada hidda-wade. Waxa jira kumanyaal xaaladaha hidda-socodka, iyo kuwo cusub oo la ogaanayo wakhti kasta.
Jirkeenu wuxu ka samaysan yahay kumanaan milyan oo unug. Unug kasta gudihiisa waxa ku jira tiro hidda-wadayaal ah. Hidda-waduhu waa jirka “tilmaantiisa”. Jirkeenu wuxuu akhriyaa hidda-wadaha oo uu u adeegsadaa tilmaanihiisa si uu u sameeyo maadada borotiinka ee aynu ka koobanahay. Tusaale ahaan, waxa jira hidda-wadayaal sida waxyaabaha midabka indhaha iyo dhirirka.
Hidda-wadaha waa la dhaxlaa (waxa kuu soo gudbiyaa waalidkaa). Taas weeye sababta aad waalidkaa ugu eg tahay ama aad uga dhaxli kartid qaab hadalka, socodka ama dareenka intaba.

Sidee hidda-waduhu uga soo gudbaa waalidka?
Hidda-wade kasta oo ku jira jirkaagu wuxuu leeyahay laba nuqul. Marka dadku ilmo dhalaan, waxay gudbiyaan hal nuqul oo hiddawade kasta oo jirkooda ku jira. Ilmuhu markaas wuxu wataa xirmo dhan oo hiddawadayaasha aabaha iyo xirmo dhan oo xagga hooyada.

Xaaladaha hidda-socodku ma waxay markasta ka yimaadaan waalidka?
Ma aha markasta. Xaaladaha hidda-wade ama hidda-wadayaal. Marmar isbedelkaas waxa laga dhaxlaa waalidka.
Marmar, isbedel ayaa ku imaan kara hiddawade.
Isbedelo cusub ayaa waqti walba ku dhaca jidhkeena. Badanaa isbedelaasi waa yaryahay oo ma keenaan dhibaato waayo:
• Waxaa laga yaabaa in aanay bedelin macnaha fariinta.
• Jirku waxa laga yaabaa inuu u baahan yahay hal nuqul oo shaqaynaya si fariintu shaqada u qabto.
Marmar, isbedel dhab ah ayaa ku dhaca hiddawadaha oo aanay mar danbe fariintu macno u samaynayn jidhka. Markay taasi dhacdo, fariinta looma raaci karo si saxa oo waxay u horseedi kartaa dhibaatooyin.
Haddii uu isbedel dhab ah ku yimaado hiddawadaha unuga shahwadda (aabaha unugiisa manida), ama unuga ukunta (hooyada unugeeda ugxanta), waxay u gudbi kartaa ilmaha. Markay taasi dhacdo, waalidku ma laha xaaladda hidda-socodka laakiin ilmaha ayaa qaba.
Wax laga samayn karaa ma jiraan waxa keenay ama lagaga hortagi isbedelka hidda-wadaha.
Badanaa ma jirto si ay waalidku ku ogaan karaan in isbedel dhacay illaa ilmahoodu bilaabo inuu yeesho calaamadaha xaaladda jirta.

Ma jiraa baadhitaan lagu samayn karaa isbedelada hidda-wadaha?
Baadhitaan waa lagu samayn kara hiddasocodka, laakiin waa xaalado hidda-socod oo gaara oo qudha. Baadhitaanka badanaa meel shaybaadha ayaa lagu sameeya muunada dhiiga.
Baadhitaanka hidda-socodka waxa loo adeegsan karaa si loo xaqiijiyo ogaanshaha cudur. Hase ahaatee, haddii xataa baadhitaanka laga waayo isbedel, waxa laga yaabaa inuu qofku misana qabo xaalad hidda-socod. Weydii dhakhtarka ama la-taliyaha hidda-socodka si aad u hesho inta ay le'egtahay runta baaritaanka hidda-socodku.

Haddii aad xaalad hidda-socod aad qabto oo aad guursato gabar iyadane leh xaalad hidda-socod taa la mid ah waxay caruurtiinna halis ugu jiraan in ay idinka dhexlaan xanuun hidda-socod sidaa darteed ayay takhaatiirtu iyo diintuba ku talisaa in laga fogaado guurka qaraabada iyo ilmo-adeerrada hadduu cudur jiro, maxaayeelay ilma adeerka koowaad wuxuu wataa halis 4 jeer laba-laaban oo ka badan ilmo adeerka labaad in aad isku hidda wadayaal noqotaan.

Marka waxaa caafimaadka ku jiraa in aan ilmo adeeryaal iyo ilmo abtiyaal la guursan khaasatan hadduu cudur hidda-socod jiro ooa la kala dhaxli karo, badanaa qoomiyaatka kala guursada oo dunida ku nool sida qabiillada qaar ee ku nool afrika, asia iyo south america waxay caan ku yihiin xanuunno hidda-raac ah oo u gaar ah iyaga oo aan laga helin meelo kale, taasna waxay ku timid is guurguursiga qaraabada.

Cilmiga wuu hormaray hadda oo waxaa la ogaan karaa haddii la baaro hidda-socodkeenna meesha aan ka soo jeedno iyo cudurrada aan xambaarsannahay iyo qawmiyaatka kale ee nagu dhex qasan iyo goorka ay na soo galeen iyo macluumaat badan, Waxana sanadkii 2003-aad cilmibaarayaasha soo gabagabeeyeen mashruuc socday 13 sano oo lagu baarayay laguna diraaseynayay hidda-wadayaasha biniaadanka ku jira iyo macnahooda kuwaasoo gaaraya 25,000 oo hidda wade.

Inkastoo diinta islaamka ay ogoshahay in la guursan karo ilmo-adeerrada iyo ilmo-abtiyada, hadane waa muhiim in wixii caafimaadka ubadkaaga saamayn karo in aad ka fogaatid, way jiraan xadiithyo iyo hadallo laga soo guuriyay asxaabta qaar oo ku saabsan arintaan, inkastoo aanan la caam yeeli karin in guurka qaraabada dhib inuu keeno kaliya oo ay jiraan xaalado gooni ah oo qofka ka dhaxli karo faaido sida xagga caqliga, waxaa la sheegaa haddii labada qof isguursanayso ay yihiin dad maskax iyo fahan badan in caruurtooda ay dhici karto in ay ka dhaxlaan maskaxdaas, marka yaanan loo qaadanin in dhib kaliya ay keento ilmo-adeer ama ilmo-abti la guursado, sidaa darteed caafimaadka iyo diinta isma diidana.

Dadka aad ugu badan tahay xanuunada hidda-socodka ah oo qaraabonimada isku guursada waxaa ugu badan yahuudda, waxaana jiro cudurro hidda-socodyo u gooni ah oo iyagana u badan.

Halkaan ka akhriso baaris lagu sameeyay ragga soomaaliyeed hidda-socodkooda meesha uu ka soo jeedo iyo warbixnno kale, baaritaankaan oo la sameeyay sanadkii 2008-aad: http://mathildasanthropologyblog.wordpress.com/2008/07/30/somali-y-chromosome-study/

Waxaan filayaa in aad wax ka fahanteen cilmiga hidda-socodka "Genetics" maxaa yeelay arrintaan waa cilmi gooni ah oo la barto ee ma ahan wax hal cashar lagu sharxi karo ama aad safiican ugu fahmi karto.

Haddii aad qabtid cudur hidda-socod oo aad rabtid in aan warbixin kaa siinno waad na soo waydiin kartaa.
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah ama faahfaahin aad u baahan tahay waad na waydiin kartaan.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Mahad sanid Somalidoc.
Talo SAARO Allaah


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26403
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21417
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47770
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29330
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Ha Isku Qaldin Jinniga, Sixirka, Isha iyo Cudurrada Maskaxda ku Dhaco!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 41552
Last post July 05, 2015, 10:14:33 AM
by Darmaan123