Xanuunka aad tilmaantay wuxuu u jiraa sida aad u dareentay laakiin ma ahan hawo feeraha gashay oo ku dhex meeraysanayso inkastoo sida qofka u dareemayo ay sidaas u eg tahay.
Koolba-aaryo sida soomaalida qaar ay u taqaano asakiisu waa af-talyaani markii la tarjumane waxay noqonaysaa "hawa qabow", wuxuuna marka ugu horeeyo ku bilawdaa qaab infekshan ah, waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa "Pleurisy" wuxuuna asiibaa xuubka ama dahaarka ku harayraysan sanbabka ee loo yaqaanno "Pleura" wuuna ka duwan yahay cudurka oofwareenka ama niyuumooniyada oo iyadu sambabka ku dhaco.
"Pleurisy" waa caabuq ku dhaca xuubka sambabka oo ah laba dahaar oo aad u khafiif ah sida sawirka hoose ka muuqdo, xanuuno badan ayaa saameyn kara xuubabkaas oo ay ka mid tahay tiibishada, markaasne waxaa galo biyo inta u dhaxeysa labada xuub, waana laga miiraa markuu badan yahay..
Maxaa keeno xanuunkaan?Tusaale ahaan, qofka markay dabeel qabow ku dhacdo waxaa hura xuubka ku dahaaran sambabka, taasina waxay danqisaa neerfaha dahaarka "Nerve irritation", isagaa keeno xanuun qofka naqaska ku dhagayo khaas ahaan markuu qufaco ama neef jiido ama hindhiso ama dhaqdhaqaaq sameeyo, xanuunka markuu cusub yahay ayaa ugu daran, waqtiyadaas wuxuu badanaa wataa qufac iyo qandho, laakiin qofka markii la siiyo daawo qallajiyayaal ah, qufaca iyo qandhada wuu ka roonaadaa, laakiin xanuunka ayaa ku hari kara in muddo ah. badanaa xanuunkaan marka ugu horayso wuxuu soo boodaa habeenkii.
[bSababta loo dareemayo maxay tahay?[/b]
Qofka markuu neefsanayo, sambabada way kala baxaan, wuxaana markaa is taabanayo ama is xoqoyo dahaarkii ku hareereesnaa sambabada qofkane wuxuu dareemaa xanuun siyaado ah oo qofku la neefsan karin maadaama dahaarka sambabka uu leeyaha dareensidayaal aad u badan, mararka qaar isxoqaas wuxuu sameeyaa cod uu maqli karo dhakhtarka dhagaysanayo codka neefsashadaada, waxaana codkaas loo yaqaanaa "Pleural rub". hadduu xanuunka sii socdo daawo la'aan, dadka qaarkiis waxaa dheecaan ku samayma labada xuub dhexdooda, waxaana mararka qaar lagu arkaa raajada in biyo yar ay ku jiraan dhinaac sambabka ka mid ah.
Sidee loola tacaalaa xanuunknaa?Xanuunka marka ugu horreysa uu qofka dareemo aad buu u daran yahay, wuxuuna qofka u baahan yahay xanuun baa'biye ka dajiya xanuunka iyo antibiotic tayo leh muddo toddobaad ah, waxaa loogu dari karaa mararka qaar daawooyin kale sida Vitamin B12, mararka qaarne "Steroids" oo muddo kooban. Qofkane wuu ka raystaa qufaca, qandhada iyo dhaqaska inkastoo dadka qaarkood dareenka xanuunka uu ku haro, laakiin ma ahan xanuun daran oo dadka badankood uma raadsadaan dhakhtar maadaama ay dareemaan muddo gaaban, kadibne markuu xanuunka ka fuqo, noloshooda ayay sii wataan.
Haddii marka ugu horayso aan si sax ah loo daawaynin xanuunkaan, caabuqii xuubka sambabka gaaray wuxuu reebaa dhaawac danqin kara neerfaha, waxaana la dareemaa xanuunkaas xaalado gooni ah khaasatan markuu qofka howl culus ama shaqo ku qabto meel dabayl leh, sidaa darteed dhalinyaradu waxay isku arkaan markay banooni ciyaarayaan, haweenkane markay dharka ku dhaqaan daashka ama barsadda guriga. Sidaa darteed haddii aad ku dhidid meel dhaxan ah xanuunkii hore ayaa kugu soo kici kara, marba meel ayaana xanuunka ka dareemi kartaa waana astaan lagu yaqaano xanuunada neerfaha oo guurguura laakiin muddo kooban ayuu qofka haayaa oo ka yar sidii hore. Wuxuu kaloo xanuunkaan soo kici karaa ama dareemi kartaa markuu hargab cusub kugu dhaco.
Xanuunka markuu qofka ku raago sidaan oo kale, qallajiyayaasha wax ma taraan, way jiraan dad badan oo ku fiicnaadaa daawooyinka qaar sida daawada Vitamin B12-ka, waxyaabaha kale oo wax la iskaga garto waa isku duugista saliida xabad sowdada oo qandac ah habeenkii, waxaa kaloo waxtar lagu arkaa isticmaalka basbaaska iyadoo cunnada lagu darsanayo. dadka qaarne waxaa loo sameeyaa "chest physiotherapy" oo ah jimicsi sambabada loogu tala galay.
Sidee lagu ogaadaa xanuunkaan?Waxaa muhiim ah inta aadan is dhihin xanuunkaan waad qabtaa in aad hubisid xanuuno kale oo badan oo u ekaan karo sida oofwareenta, qaaxada, wadna qabadka, gaastirikada iyo kuwa kalaba.
Badanaa qofka xanuunkaan ka cabanayo, baaritaannada waxba laguma arko sida dhiigga iyo raajada oo kale, tan ayaa keenta in bukaanka iyo dhakhtarka isku wareeraan, khaas ahaan markuu qofka aaminsan yahay in hawo feeraha uga jirto oo ku dhex meeraysanayso, dhakhtarkane uu ku adkaysto in qofka waxne uusan qabin, hawane aysan jirka gelin.!
Waxyaabaha kugu kicin kara xanuunka:1- Iska ilaali in aad hawo qabow isku dhigtid adigoo dhididsan ama dhar khafiif ah xiran.
2- Roob ha u bixin haddii uu dabayl wato.
3- Darbi qabow ah ha ku tiirsanin adigoo feero qaawan ama dhar khafiif ah xiran.
4- Adigoo kulul ha isku dhigin mukayyaf ama marwaxad.
5- Haddii aad qubaysatid is qallaji inta aadan banaanka u soo bixin.
6- Adigoo dhididsan gaari dhakada haka fuulin, dabaysha daaqaddane ha isku dhigin.
7- Adigoo dhar khafiif ah wata, howl culus ha ku qabanin dibadda guriga sida ciyaarta banooniga, dhaqidda dharka IWM.
8- Marka ugu horreyso aa dareentid xanuunkaan la xiriir dhakhtar si uusan xanuunka kuugu daahin.
Ogow xanuunka markuu aad kuu hayo, qoorta iyo garbaha way kula xanuuni karaan.
Fadlan halkaan ka akhriso xanuunada lagu qaldo Koolba-aaryada:
Caafimaad ayaan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com