Author Topic: Su'aal: Sunta lagu buufiyo beeraha iyo kansark?  (Read 3600 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Koos axmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Sunta lagu buufiyo beeraha iyo kansark?
« on: May 06, 2018, 02:03:55 PM »
Asalaamu calaykum, dr waxaan rabaa arin iwalaac galisay inaan wax kaa waydiiyo,maalin dhawayd waxaan akhrinaayay qolyo warbixin ay soo dhigeen ooy ku sheegeen inay tahay cilmi baaris la sameeyay oo sheegaysa waxyaabaha sababa kansarka waxaana ka mid ahaa sunta lugu buufiyo beeraha ee cayayaanka qudaarta beerahaas kasoo go'da inay caruurta ukeeni karto ccudurkaas,waxaana la ogyahay beeraha hadaan caya yaanka laga buufinin beertu way dhimanaysaa taas maxaa cilmi ah ood iiga faaiidayn kartaa haday jirto maxaa lagu xalinaa.
Mida kale ee ka mid ahayd waxaa waaye kajabka ay caruurtu jecelyihiin ayadana waxay dheheen waa khatar aniga cunug yar oo ii joogana cunto kasta oo uu cunaayo hadaan kajab lagu darin ma cunaayo ayada maxaa ka jira.
Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sunta lagu buufiyo beeraha iyo kansark?
« Reply #1 on: December 24, 2018, 09:16:28 PM »
Waa arrin jirta in sunta beeraha lagu buufiyo aysan caafimaadka u roonayn, xiriirne la leedahay xanunka kansarka, laakiin waa caruurta ku ag nool beerahaas la buufiyay, waxaa kaloo lagu la dardaarmaa dadka dalagga beerahaas ka soo go'ay isticmaalo inay iska dhaqaan oo aysan sideeda ku cunin, haddii sidaas la yeelo insha'llah dhib ma imaanayo. diraasadasne waxaad ka akhrisan kartaa halkaan: https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC2659586/

Ketchup-ka isticmaalkiisa waxaa ka caafimaad roon yaanyada dabiiciga ah sababtoo waxaa lagu soo daraa sokor, cusbo iyo corn syrup wax la dhaho, inkastoo caruurta ay jecel yihiin meel walbane laga isticmaalo, laakiin badanaa caruurtaada kula dadaal waxyaabaha dabiiciga ah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106898
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64460
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29270
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53592
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34503
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca