Recent Posts

Pages: [1] 2 3 ... 10
1


Waxaan qoraalkaan ku soo koobi doonaa jawaabta su'aashii ahayd: Qaniisnimadu ma noqon kartaa xanuun dhimir iyo waalli maskaxeed?

Inkastoo aan wada ognahay waxa diintu islaamku ay arrintaan ka qabto iyo qofkii la yimaadaba, laakiin Waxaan ka hadli doonaa taariikhda caafimaad ee dhibaatadaan.

Dhibaatada qaniisnimada ama waxa loo yaqaano "homosexuality" waa dhibaato qorsheysan oo hadafkeedu yahay in lagu dumiyo tiirarka bulshadu ay ku dhisan tahay dhinac diin, dhinac akhlaaq iyo dhinac dhaqan intaba.

Fasahaadkaan markuu ka billaabanayay maraykanka bilawgii qarnigii la soo dhaafay, waxaa lagaga hortagay diidmo iyo faquuqis lagu sameeyay dadka qaniisiinta ah, tanoo waqtigaas loo arkayay inay tahay xanuun ka mid ah xanuuanda maskaxda ku dhaco maadaama ay khilaafsaneyd nolosha dabiiciga ah ee bulshada "Social Norms", arrintaan waxay keentay qofkii ku kici lahaa arrintaan inuu qarsado maadaama loo arki karo inuu waalan yahay ama u baahan yahay daryeel caafimaad dhinaca maskaxda ah.

Laakiin ololo iyo taakuleen qarsoon kadib, waxaa soo shaac baxay dad aad u tira badan oo fikradaan qabo oo aad loola yaabay, oo weliba samaystay ururo ay ku midaysan yihiin, dadkaasoo ka wada muuqday qeybaha kala duwan ee bulshada, tan ayaa waxay dhakhaatiirta xanuunada dhimirka ku abuurtay wareer, kuna qasabtay in dib loo fiiriyo qeexistii qaniisnimada!.

Cadaadis xoog leh oo ka yimid ururada u dooda xuquuqda qaniisiinta oo weliba taageero siyaasadeed ka heesto dad awood ku lahaa bulshada mareekanka ayaa waxay ku guuleesteen in ay ku qanciyaan guddia agaasimayaasha ururka dhakhaatiirta xanuunada dhimirka "American Psychiatric Association" in qaniisnimada laga saaro liiska cudurrada dhimirka sanadkii 1973-dii.

Go'aankaan degdegta ah waxay lama filaan ku noqotay dhakhaatiirtii ku mideysnayd ururkaas, waxayna u arkeen go'aan siyaasadeed oo caafimaadka sal iyo raad ku lahayn, kumanaan dhakhaatiir ayaa arrintaan ka biyo diiday, waxayna codsadeen in afti loo qaado arrintaan.

Afti shakki ku jiro kadib, sanadkii 1974-tii waxaa si rasmi ah qaniisnimada looga saaray liiska xanuunada dhimirka ee loo yaqaano "Diagnostic and Statistical Manual of Mental Disorders (DSM)".

Inkatoo go'aan ahaan arintaas loo qaatay laakiin dhakhaatiir badan ayaa weli ku sii dhaganaa ra'yigooda una arkay in dadkaani ay waallan yihin una baahan yihiin in xarumaha dhimirka lagu xareeyo oo la daaweeyo.!

Waxaa arrintaas ku xigay in sanadkii 1980-kii go'aan dhakhaatiirta cudurrada dhimirka lagula dardaarmay in dadka qaniisiinta ah ay ka caawiyaan sidii ay ula tacaali lahaayeen dhibaatooyinka iyo dhaleeceenta bulshada kaga timaado, loona ciribtiro heyb takoorka lagu hayo iyadoo weliba dardaarankaan sal looga dhigayo cilmibaarisyo kala duwan oo ay sameeyeen dhakhaatiir maraykanka joogtay!!!.

Intaas waxaa ku xigay ansixinta qawaaniin ganaax oo loogu danaynayay qaniisiinta ku nooleyd maraykanka oo qofkii wax ka sheego ama dhakhtarkii ula dhaqmo qaab bukaan ahaan in maxkamad la soo taagi karo, tan oo ku qasabtay dadkii weli aaminsanaa in dadkaan aysan dabiici ahayn in ay aamusaan oo arrintaan ka gaabsadaan.!.

Xittaa markii la ogaaday fayraska HIV ee keena xanuunka AIDS-ka sanadkii 1984-kii oo markaas laga helay qaniisiin daganayd magaalooyinka New York City iyo Los Angels, waa lagu dhiiran kari waayay in ficilkaan xun uu sabab u noqon karo xanuunkaan aduunka ku soo kordhay.
Hay'adaha caafimaadka oo sameeyay tirakoob dabayaaqadii isla sanadka 1984, waxaa la ogaaday in 7,699 xaaladooda ee AIDS ah in la helay ayna u badnaayeen dadka qaniisiinta ah, waqtigaas qaarada europe oo idil waxaa laga soo sheegay 762 xaaladood kaliya.

Illaa iyo maanta waxaa si xaqiiq ah loo ogyahay in dadka ugu halista badan ee xanuunka qaada ama faafiya inay yihiin raga isku taga, laakiin sidaas ay tahayne lama ogola in dhibka loo saariyo ficilka foolxumada badan ee diimaha oo idil wada diideen khaasatan diinteena suuban ee Islaamka.

Waxaa ku xigay sanadkii 2001-kii markii wadanka Holland looga dhawaaqay in guurkii ugu horeeyay ee laba qaniisiin isku aroosaan ka dhacay illaa iyo hadane ay 15 dal ay si sharci ah isku aroosi karaan dadka isku jinsiga ah, arrintaan oo hadafkeedu ahaa in meesha looga saaro shakkiga ku jiro qolooyinka weli u arka in dadkaani ay wax ka qaldan yihiin, halkaasina lagu ansixiyay in qoys ay dhisan karaan, ayna heli karaan xuquuqda qoysaska kale.

Ra'yigayga Khaaska Ah:
Waqtigaan la joogo, haddii aad dunida u fiirsato, sheegashada qaniisnimada waxaa loo arkaa ilbaxnimo iyo reer magaalnimo, maadaama laga dhigay wax dabiici ah oo dad badan oo magac dunida ku leh ama hayo jago sare sida: madaxweyne dal inuu sheegto inuu qaniis yahay weliba uu ku faano.

Dadkaan oo nooc waliba iskugu jiro, weliba badankood bulshada ka muuqdo khaasatan wadamada yurub iyo maraykanka ayaa keentay in qofka daciifka ah u arko in hadduu rabo inuu heer gaaro inuu qolooyinkaas taageero ama u doodo ama uu ka mid noqdo.

Intaas ka dib waxaa hadane soo korortay fikrad ah in diintu iyo qaniisnimadu aysan is diidaynin, taasoo uu bilaabay nin baakistaani maraykan ahaa sanadkii 1998, weliba aasaasay hay'ad u dooda xuquuqda qaniisiinta islaamka sheegto, hay'adaas oo lagu qarash gareeyay lacago aad u badan waxay xafiisyo ka furatay dhowr iyo labaatan wadan isla sanadkaas, waxaana iska diiwaan galiyay tobaneeyo kun oo ku kala nool wadamo aad u badan, waxaana hay'addaas ka hoos farcamay boqolaal hay'adood oo weli ka howl galo meelo kala duwan.

Intaas ka dib hadane waxaa ku xigay sheeko aad loo soo habeeyay oo ah in islaamka iyo qaniisnimadu aysan ku koobneyn kaliya dadweynaha guud oo ay jiraan wadaado qaniisiin ah!! waana dad wadaadnimo sheeganayo hadane dhahayo qaniisiin ayaan dhahay waxay ku nool yihiin wadamo badan sida maraykanka, faransiiska, jermalka, canada, malaysia, south africa iyo wadamo kale, kuwaasoo aad warbaahinta looga buunbuuniyo, loona aasaasay masaajidyo la iskugu nikaaxiyo qaniisiinta islaamka sheeganayso!!!.

Afkaarta dadka lagu qaldo:
  • Waxyaabaha dadka lagu qaldo waxaa ka mid ah in qofka ficilkaan xun u bareeray loo muujiyo qof laga gardarnaa ama lagu qasbay inuu waxaan sameeyo maadaama isagoo yar la soo faraxumeeyay, waana arrin ay ka dhawaaajiyeen dadka qaar oo ka jawaabayay su'aashii aan idin soo waydiiyay. arrintaani wax ka jiro ma lahan, caruurta la faraxumeeyo dhibaatooyin nafsaani ah way ku dhacaan, astaamo lagu garto ayaa jira iyo qaabab loola tacaalo ee ma ahan qof walbo oo sidaa lagu sameeyo in uu markuu waynaado qaniis noqon doono!!!.
  • Qaladka labaad waa in la dhaho, qofkaan ilaahay ayaa sidaan u abuuray oo waxaa ku badan hormoonada dumarka, marka inuu sidaan dareemo ma ahan wax isaga gacantiisa ku jiro, taasina waa khalad cad, maxaayeelay caafimaad ahaan waa la yaqaanaa dadka hormoonadu ka qaldamaan iyo xanuunada ku dhaco laakiin tani waa arrin ka duwan.
  • Qaladka sadaxaad waa in la dhaho wuu xanuunsanayaa oo maskaxdaa laga galay ee dhakhtar hala geeyo, qofka aad leedahay wuu xanuunsanayaa hadduu warkaas kaa maqlo isagaaba ku dacwayn karo maadaama aad ku sheegtay waalli ama xanuun dhimir.
    Haddii ficilkaan uu xanuun dhimir yahay, alle uma cadaabi lahayn qowmu luud, Shuyuukhda ka hadasho sababaha loo halaagay qowmu-luud waxay ahaayeen inay caddaysteen oona caadeeysteen kadibne la bareereen ficilladooda xun-xun oo ragga ay ka doorbideen haweenka iyagoo weliba iskugu tagi jiray clubs iyo meelo ay ku tuntaan, waana sida ay maanta wax u jiraan.!!!
  • Qaladka afaraad waa in la dhaho waa la siray ama waa laga caqli badiyay ama baahi ayaa u geysay iyo wax la mid ah.

Intaas ayaan ku soo koobayaa jawaabta su'aashii aan idin soo waydiiyay, waxaa igu kallifay in arrintaan aan soo dhex dhigo madasheena sharafta leh, in dadka qaarkood ay si sahlan ugu kadsoomi karaan khaladaadka kor ku xusan ayna ugu horrayso in ficilkaan xun iyo xanuunada dhimirka ay xiriir leeyihiin.

Qofkii su'aal ka qabo jawaabtaan ama faahfaahin ku darayo maadaama jawaabta aan aad u soo koobay, hoos ha ku soo qoro fikirkiisa, mahadsanidiin.
http://somalidoc.com
2
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Dhirirka xad ma leeyahay?
« Last post by Mohamed100 on May 04, 2016, 09:18:51 PM »
asc dre waxan rabay in leyga jaahil bixiyo dhirika qofka sanad uu istaago maleeyahay maxaana keeno in ruuxa si fudud udheeraado thanks
3
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Qanjir xanuun?
« Last post by Mohamed Abdi Naasir Ali on May 04, 2016, 06:32:45 PM »
asc somalidoc ugu horeyn waxaan idin soo jeedinaya mahadnaq balaaran waxaan leeyahay ajar fara badan rabi ha idinka siyo shaqada aad umada uheesaan,

hadaan ugudbo suasheyda waxay tahay waxaan isku arkay mudo laga joogo 20cesho camal madax wareer iyo qanjir xanuun lugta midig ah, sida caadada u ahan jirtay qanjirka waxu ixanuuni jiray marka ay lugta nabar iiga yaalo, lkn hada wax nabar ah iguma yaalo, waxaan tagay doctor waana ushegay sida aan dareemayay waxuna idiray baaris saxarada kaadi iyo dhiig, waxuuna igu sheegay cudurka burcela cirbado soconayo 21beri wuu iqoray iyo kaniini cabsole ah 21 beri ah, muda kadib waxa igu sii siyaaday madax wareerkii waan ku laabtay wuxuna iga baaray malaria wuna igu shegay cirbadana wuu iqoray cirbado malaria iyo kini anti-biotic ah wax is badal ahna wali mahayo madaxa sidi buu iwareeraya qanjirki ixanunaayay waxaa ku darsamay lugta kale iyo gacanta bidix kilkisha ku aadkeda,  calooshana bahal baa iga cunaya day and night kala joogsi laheyn aadna waa ushumaya, marka somalidoc maxaad igula talin laheyden kaniini waaka daalay iyo cirbad walina wax mahaayo, qanjiradana maxaad ku tilmaami laheydeen
4
Dr aad baan kaga mahad celinayaa Sida aad inogu faaideysid.
Suaasheyda waxey tahay  waxaan iska daaweyay Gaaska calosha oo mudo la jiifay. Daawadi markan dhamestay . Waxaan daremaya  Huritaan ama kulel dhanka Dhabarka ah walibo qeybta Gudaha e calosha xigta . Diktore Arintaan gaaska miye la xirirta ? Talo iyo tusale ayaan u baahanahay
5
sc, digtor. waxaan rabaa in aan wax ka ogaado tarbiyeynta caruurta iyo sida kor loogu qaado akhlaaqdooda, si garaadkooda iyo maskaxdoodu ay ugu filaato. oo ay u noqdaan caruur ka dhisan dhinacwalba oo noloshooda saamayn ku leh, inay nodaan kuwo
diinta, dhaqanka, asluub-hadalka intaba ka dhisan.
6
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Testofort Injection?
« Last post by m.mo141 on May 04, 2016, 10:20:53 AM »
Asc waaa salaamantihiin Doctors waxaan rabaa inaad i sheegtaan daawadaaan


Testofort Injection

each ML contains :--

250 Mg Testosterone Enanthate in oily Solution

for intramuscular injection

Mfg. Lic No 0002580
Regin NO 025060



250 Mg                            3 Amp ,                        1 Ml

Jawaab wacan insha allaH
7
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Caruurta cunada la siiyo 6 bil ka dib?
« Last post by Siham on May 04, 2016, 07:24:15 AM »
Asc wr wb Allaah ayaa Mahadsana  bacden Dr Mahdi suasheda : waxey tahay dhagtar inooga soo Faidey caruurta cunada la siiyo 6 bil ka dib taas oo ku liitan somalida iney caruurta jadwal Ayn u siinin caruurta waqtigaas
8
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Waxan ahay xaas 4 years iyo kabadan guri leh?
« Last post by Nimco Jama on May 03, 2016, 05:08:27 PM »
Walalayal wan idin salamaya salanta islaamka salan ka dib aad ban idin ku mahadinaynaynaa hawsha wanagsan ee aad u haysaan umadiina illahay idankii salan ka dib waxan ahay xaas 4 years iyo kabadan guri leh wax ubad ahna illahay subxana watacala ima siin dhiiga caadada ayan ku xanuunsada xiligii uu iga iman jiray xili ka durugsana wuu iga imanaya isago halmalin soconaya dhakhtar ban u tagay baadhitan dheer ka dib wuxu i sheegay,,in kaadi mareenada iyo kaadi haystu i bukaan  iyo inhoormoonka naasaha ee caana ay igu badan yihiin uuna kugu keenY bu i dhahay in qaybahagi taranku diciifaanwuxu kalo  ishegay in minku u caabuqay wan dawoyin ayu iso qoray uu yidhi caanaha ayay kaa qalajinayan walal wan fahmi wayay aafna wan uga naxay hadalkisa lkn dhib maleh bu igu yidhi ee walalayal iga jaahil bixiya xanuunadas aan idin so waydiyay weliba hoormonka caanuhu wuxuu yhy iyo akhbaardheeri ah hadad u leedihin idinko mahadsan wan walwalsanahe illahayna ii barya in uu ubad isiyo muslimku  ducada wa isku leyahay
9
asc bahda somalidoc bacda salaan waxaan rabaa idinkoo raaliya inaad iga jaahil saartaan dhiiga caadada oo igusoo laalaabta bishii dhowr jeer waana mudo afar bilood ah intuu qaldanaa ee sanadkan cusub wareegunu waa ixanuunaa dhakhtarad aan utagay way ibaartay dhiig bay iga qaday ay tiri hormoonadaa ku fiirinayaa cumputerna way isaartay waxba ma qabtid bay itiri kiniini yaryar bay isoo qortay oo itiri haduu kugusoo laabto laq bil ka hor yacni haday bil kaa maqnado ha laqin waa igusoo labtay isla ayaaamihii daawadii waa laastay waxna ima tarin hada wali sidii buu iiga soconayaa isagoo xinjiro u badan marmar qaarkood xinjirahaas hadaynan soo bixin xanuun aad udaran ban ka dareemaya gumaarka sidoo kle waxaad umaleeyaa in kaadi badan ihayso hadana markaan musqusha galo kaadidii aan filayey ma iga imanayso
fadlan jawaabtiinu waa iimihiim maxaad igulatalinysaa DR aad baad umahadsantihiin
10
Qaybta Su'aalaha / Su'aal: Laleelmo maxa dabiici aha lagu daweyn karaa?
« Last post by Zujr on May 03, 2016, 02:57:09 PM »
Asc Dr bacdu salam laleelmo maxa dabiici aha lagu daweyn karaa?
Pages: [1] 2 3 ... 10